Howlwadeeno Dowladda ka irsan oo la xaqiiqjiyay in ay u adeegaan Kooxda ALSHABAAB

ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada ayaa iigu waramay in MW Farmaajo uu fajac iyo anfariir ka qaadey markii sirdoonada caalamka ay la wadaageen shaqsiyaad amniga kala shaqeeya oo Alshabaab ku xiran, kuwaasi oo fududeeya qaraxyada una gudbiya adeeg kasta oo kooxda Alshabaab ay u baahato.

Shaqsiyaadkan oo qaarkood ay toos uga tirsanaayeen alshabaab oo xilal kala duwan ay ka soo qabteen iyo kuwa si hoose ula shaqeysan jiray ayaa lagu kala sheegay magacyadooda sidan:-

Zakariye Ismaaciil Xirsi oo u dhashay Mareexaan,

Muqtaar Ismaaciil Cabdi oo u dhashay beesha Isaaq,

Aadan Cabdi Wayax, oo dhashay Beesha gugundhabe, Maxamed Bukhaari Admed oo u dhashay beesha Reer Ow-Xasan

iyo Muqtaar Ibraahim Isaaq oo isna u dhashay beesha Raxanweyn.

MW Farmaajo ayaan la ogeyn talaabada uu qaadi doono maadaama shaqsiyaadkaas ay dhammaantood saraakil sarsare oo ka tirsan NISA ay yihiin, islamarkaana ay labada dhinac ka shaqeeyaan.