Dhageyso:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka hadlay Mooshinka laga wado

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Maanta Wareysi siiyay Tv-ga Koonfur Galbeed oo ku hadla Afka Maamulkaas ayaa ka hadlay markii ugu horeysay Mooshin ay ka wadaan Xildhibaanada Maamulkaasi.
Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu jiro Mooshinkaas islamarkaana ay gadaal ka riixayaan Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Mooshinkaas Muqdisho ka abaabulaya sida uu hadalka u dhigay.
“Waan Maqlay Mooshinka la leeyahay waxaa laga wadaa Madaxweynaha Koonfur galbeed,Cidda rabta in ay Madaxweyne ka noqoto Koonfur Galbeed ha sugato Xilliga Doorashadaā€¯ayuu yiri Madaxweynaha Koonfur Galbeed .

Halkaan ka dhagayso