DEG DEG:- Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Waxaa goordhow qarax Gaari loogu xiray wiil dhalin yarro ah uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka banaadir

Qaraxaan ayaa la sheegay in uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Ruux aan weli la garan waxa uu ahaa.

Hase ahaatee xiliga uu la qarxayay ayaa waxa uu marayay inta u dhaxeysa Warta Siigaale iyo Xarunta Magareeshinka ee laga soo qaato Baasa Boorada.

Shaqsigii Gaariga watay ayaa la sheegay in dhaawac culus uu soo gaaray isla markaana loola cararay Isbitaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda ayaa haatan gaaray Goobta kuwaas oo xiray Wadada soo gasha Goobta uu qaraxa ka dhacay.

Wixii soo kordha nala soco.