Sawirro: Wasiirka Amniga Ducaale oo la kulmay Masuuliyiinta Amaanka Qatar

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa Magaalada Doxa kula kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qadar oo qaabilsan Ammaanka.
Dadka uu la kulmay ayaa waxaa ka mid ah guddoomiyaha ammaanka guud ee dowladda Qatar, Gen Sacad Bin Jaasim Alkhalifim iyo madaxda sare dowladda Qatar.
“Waxaan magaaladda Doha kula kulmay guddoomiyaha Ammaanka guud ee dalka Qatar Gen. Sacad Bin Jaasim Alkhalifi & Madaxda sare ee dalka Qatar oo aan ka wadahadlnay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinaca ammaanka labada dal” ayuu yiri Wasiir Islow.
Wasiirka ammiga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow, ayaa la filayaa in inta uu ku sugan yahay dalka Qatar inuu la kulmo masuuliyiin sare iyo saraakiil ciidan, islamarkaana uu kala hadli doono siddii dowladda Soomaaliya looga caawin lahaa nabad gelyada iyo qodobo kale.
1 3 768x294
1 3 768×294
2 2 768x576
2 2 768×576

3 2 768x417
3 2 768×417