Madaxweynayaasha maamul goboledyada oo hortagay Aqalka Sare

Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Muqdisho islamarkaana ka qeyb galay Shirkii Shalay lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho ee u dhexeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Gobolleedyada ayaa Maanta hortagay Xildhibaanada Aqalka Sare.
Madaxweyneyaasha Puntland,Galmudug,Hirshabelle Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa hadda ku sugan Xarunta ay ku shiraan Xildhibaanada Aqalka Sare,waxaana lagu wadaa in ay Kulan la yeeshaan Xildhibaanada Aqalka Sare .
Kulanka Madaxda Maamul Gobolleedyada iyo Aqalka ayaa ah midkii ugu horeeyay oo ay yeeshaan,waxaana Kulankaan uu noqon doonaa mid kala Warqaadasho ah.
Shalay Magaalada Muqdisho waxaa lagu soo Afmeeray Shirkii u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada,iyadoo laga soo saaray Qodobo ay isku raaceen Dhinacyada kulmay.