Ciidamada Xoogga dalka oo Shabaab kala wareegay degaano cusub?

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa degaano ku yaalla gobolada Shabeelooyinka kala wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Deegaanada ay Ciidamadaasi howlgalka ka sameeyeen ayaa waxaa kamid ah Basra,Buulo-Kuuto,Daniga Baalow iyo Degaanka Jabaluul oo dhamaan tood ka kala tirsan Gobolada Shabeelooyinka.
Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya General C/laahi Cali Caanod, ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka inay gaareen deegaano cusub oo Shabaab ay horay u joogi jireen.
Abaanduulaha ayaa sheegay ciidamada Xoogga dalka Somaliya inay sii wadi doonaan hawlgalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, si looga saaro Shabaab deeganada ay joogaan.
Al Shabaab ayaa badanaa waxa ay joogaan hareeraha Degmada Afgooye iyo Degmada Balcad ee Gobolada Shabeelooyinka halkaasi oo ay  kala dagaalamaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom.