Puntland oo Muqdisho keenaysa’ $500,000 -oo aay ugu deeqday Dadkii ku waxyeelloobay Qaraxii Soobbe?

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari waxaa maanta ka soo baxay Wafddi isugu jira Wasiirro iyo Culimaa’udiin,kuwaas oo wada deeq laga ururiyay shacabka degaannada Puntland islamarkaana loogu talagalay dadkii ku wax yeelloobay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobbe ee Magaalada Muqdisho.
Lacagta laga ururiyay degaannada Puntland waxaa ay gaareysaa $500,000 (Shan Boqol oo kun ) oo Doollarka Mareykanka ah.
Deeqdan ayey Puntland ugu magacdartay Hiil-Sokeeye,waxaana Magaalada Boosaaso ka soo qaaday Wafddi ay soo dirtay Puntland,kuwaas oo ka soo duulay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Wafddiga ayaa dhinaca Maamulka Puntland waxaa ka socda
Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland, Cabdulaahi Timacade
Wasiiru Dowlaha Maaliyada Puntlan,d Maxamuud Beeldaaje
Mareeyaha Rugta Ganacsiga Puntland, Maxamed Caydiid
Mareeye ku xigeenka Maxjarada Puntland Liibaan Axmed Shire.
Dhanka Culimada
Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf
Sheekh Fuaad Aflow
Walaal Yaasiin
Madaxda Dalada Minhaaj Maxamed.
Dadka degaannada Puntland ayaa billaabay ururinta Lacago loogu talagalay dadkii dhibaatada weyn ka soo gaartay Qaraxii 14kii October ka dhacay magaalada Muqdisho,weerarkaas oo ay ku dhinteen dad ku dhow 400 oo Qof.