Maxaa ka Jiro in Mooshinka laga wado Shariif Xasan Lacag lagu baxinayo Xildhibaan Cali Xasan oo Kashifay ?

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay waxaa ka socda kulamo ay ku yeelanayaan Magaaladaasi Xildhibaano sheegay in ay Mooshin kawadaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Xildhibaan Cali Xasan Cismaan oo Gudoomiye u ah Xildhibaanada Mooshinka ka wada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Xildhibaanadooda ay wadaan is uruursi ku aadan in Mooshinkoodu Meel Maro.
Xildhibaanka ayaa sheegay Mooshinkoodu yahay mid lagu saxaayo Shaqada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Maalmaha soo socda ayuu tilmaamay in Baarlamaanka ay dhex geyn doonaan Mooshinka sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku eedeeyey in ku tumasho dhanka dastuurka ah iyo waxqabad la’aan uu ku sifoobay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan, Taasine ay ku dhalisay Mooshinka sida u sheegay.
Dhanka kale Xildhibaan Cali Xasan Cismaan ayaa beeniyey in lacag lagu siiyey Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan, Aragtida ah lacag in lagu siiyey ayuu sheegay in ay meesha ka saareyso Shaqadooda in ay tahay Sixidda Hogaanka Maamulka.
Mooshinka ka dhanka madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa socday tan iyo Kalfadhigii hore, waxayna Xildhibaanada Mooshinka wada ay sheegeen in madaxweynaha Koonfur Galbeed uu ka weecday Waxyaabihii ay u doorteen sida ay hadalka u dhigeen.