Mareykanka oo sheegay in uu tiro ka mid ah Daacish ku dilay Soomaaliya ?

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dhinteen tiro ka mid ah Ciidamada Daacishta Soomaaliya kaddib labo weerar oo ay ka fuliyeen Bariga Soomaaliya.
Howlgalka Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa sheegay in labada weerar oo uu midi dhacay bartamaha habeenkii Khamiista,mid kale kalena dhacay Duhurnimadii Jimcaha ayey ku sheegeen in ay ku dhinteen tiro ka mid ah Ciidamada Daacishta Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ay soo saareen AFRICOM ayey ku sheegeen in iyaga oo fasax ka heysta Dowladda Soomaaliya ay fuliyeen weerarka ka dhanka ah Daacish ee ay ka fuliyeen Gobolka Bari ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Mareyknka ay ka go’antahay la dagaallanka Argagixisada si ay u nabad galaan Muwaaddiniinta Mareykanka ah,Xulufada  Mareykanka ee Soomaaliya iyo AMISOM iyo guud ahaan Caalamka.
Africom waxaa ay sheegeen in hadda ay wadaan natiijada weerarkaas oo ay filayaan in ay ku dhinteen dhowr ka mid ah ciidamada Ururka Daacish qeybta deggan Gobolka Bari ee Soomaaliya,kaddibna ay la wadaagi doonaan caalamka marka ay baaritaanka dhameeyaan.

Usa
Usa