Mareykanka oo dadka ka jooga Muqdisho amray in ay Deg deg ugu soo baxaan iyo Cabsi soo wajahday dadka?

Warbixin digniin ah oo uu soo saaray Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay Muwaaddiniinta iyo shaqaalaha Mareykanka ah ee ku sugan Muqdisho in ay deg deg uga baxaan.
Warqaddan ayaa lagu sheegay in Xafiiska Mareykanka ee Muqdisho uu helay digniin gaar ah oo la xiriirta Amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho,halkaas oo ay ku suganyihiin Reer Galbeed badan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa  sheegtay in xaaladda amniga ee Mgaaalada Muqdisho oo aad halis u ah darteed in ay mareyso shaqaalaha iyo muwaaddiniinta Mareykanka ah in ay kaga baxaan Muqdisho.
Sidoo kale Muwaaddiniinta Mareykanka ah ee u socdaalaya Soomaaliya ayaa lagu wrageliyay in ay feejignaan dheeraad ah ku jiraan .
Wxaaa kale oo digniin la siiyay shaqaalaha iyo Muwaaddiniinta kale ee go’aansaday in ay ku haraan Muqdisho ay dib u eegis ku sameeyaan amaankooda sidoo kalena dhimaan safarrada gudaha Muqdisho.
Waxaa kale oo lagu yiri “waa in aad qaaddaan tallaabooyin muhiim ah kuwiinna ku haraya Muqdisho,in aad la socotaan dadka idinka agdhow,sidoo kale isha ku heysaan warbaahinta gudaha,wixii qatar ah ee jira si aad ugala socotaan,sidoo kalena u diyaar ahaada in aad feejignaataan”.
Warka Digniinta ah ayaa lagu soo koobay Mareykanka kuma laha Safaarad Soomaaliya.