Jookar:-Waa Nasiib Daro in Farmaajo u Yeerto Ciidamadda Ethopia”

Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya ay ogolaato in Ciidamo Ethopian ah dalka dib loogu soo celiyo.
Jaamac Jookar oo la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada ethopia ay dhibaatooyin badan ay dalkaan ka geysteen islamarkaana  soo laabashadooda ay dhibaato kale ay horseedi doonto.
“Nasiib daro waayay in Dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay xalin weyso dhalinyaro qaraxyo geysanayso, dalkaan waxaa jooga saraakiil badan oo  awood badan u leh jabinta cadowga, Ethopia awalba dalkaan sabab ay kusoo gasho ayay rabtay, balse hadda waxaa u yeertay madaxweynaha Soomaliya Farmaajo, Ethopia shacabka Soomaliyeed dhib weyn ayay u geysteen”, ayuu yiri Korneel C/nuur Jaamac Jookar.
Sidoo kale Korneel C/nuur Jaamac Jookar oo kamid ahaa Saraakiishii Hore ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa ugu baaqay dowladda Dhexe ee Soomaliya in ay la timaado qorshe kale oo loogu guuleysan karo dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wali ku sugan qeybo kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
Ciidanka Itoobiya ayaa Soomaaliya soo galay 2006-dii,waxeyna xasuuq ba’an u geysteen dadki rayidka ahaa ee ku dhaqnaa Koofurta Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho,
Madaxweynihi hore ee Soomaaliya AUN Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa ka codsaday Dowladda Itoobiya in ay u soo diraan ciidamo taageera Dowladiisi,waxeyna ciidanka Itoobiya marki ay soo galeen magaalada Muqdisho ku dileen ilaa 60,000 oo qof sidoo kalana waxay qax badeen tiro intaa kabadan.