Ciidamada dowladda oo baaritaano Adag Maanta ka wadooyinka Muqdisho?

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa maanta baaritaano adag waxa ay ka wadaan wadooyin ka mid ah Magaalada Muqdisho oo dadka iyo gaadiidka si aad ah ay u baarayaan.
Wadada Maka Al-Mukarama, Wadada 21- October iyo wadada Tarabuunka ayaa si aad ah loogu baarayaa dadka iyo gaadiidka, iyadoo ciidanka dadka ay ku amrayaan inay ka soo dagaan gaadiidka si baaris loogu sameeyo.
Gaadiidka nooca yar yar ayaa si aad ah loo baarayaa, waxaana la arkaayay ciidamada oo ku amraayay gaadiidleyda inay furaan qaybaha hore ee Baabuurka iyo xagga dambe si baaritaan loogu sameeyo.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jirta dareenka la xiriira xaaladda amniga, kadib markii Magaalada ay dhawr mar ka dhaceen qaraxyo gaadiid loo adeegsaday oo la dhigay meelaha Bulshada isugu timaado.
Si aad ah gaadiidka waxaa loogu baarayaa, Koontaroolka Banaadir, KM4, Shaqaalaha, Isgoyska dabka iyo wadada aada dhanka laamiga 21-October oo ciidamo ka tirsan xasilinta ay halkaasi ku sugan yihiin gaadiidkana ku baaraya.