Alshabaab Oo Xukuntay Gabadh Ay Ku Sheegeen In Ay Zinneysatay

Kooxda alshabaab ayaa maalintii shalay ahayd degmada Bariirre karbaashay gabadh masaakiin ahayd oo la sheegay in ay Zineysatay.

Dhacdadan oo ka dhacay fagaaro wayn oo ku yaalla degmadaas ayaa la sheegay in gabadha lagu helay markhaatiyo in ay gashay falkaas Zinnada ah, ka dibna lagu xukumay karbaash maadaama sida ay sheegeen aysan wax guur ah soo marin.

Fagaaraha waxaa soo xaadiray Boqolaal ruux oo isugu jirta dadka deegaanka Bariire iyo dad kale oo ka yimid deegaanada ku dhaw dhaw deegaanka Bariire, kuwaas oo u riyaaqsan falkaas wuxuushnimada ah ee ay kooxdaas ku fulinayeen.

Haddii la helay marqaatiyaal ku caddeeyay gabadha in ay zinneysatay, waxaa su’aal iswayddiin mudan ah halkee buu jiraa qofkii (ninkii) la Zinneystay, maadaama labadooduba ay caddeymaha kuwa jiraan.

Kooxda Diinta ku xad gudubtay ee Shabaab ayaa fuliya xukunno noocan oo kale kuwaas oo aan la hubsan.