Xildhibaanada K/Galbeed “maalmo kadib shacabka ayuu ka mid noqonaa Sh. Xasan”

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahiyeen Mooshinka ay ka wadaan Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo xaalada ammaan ee degaanada Koonfur Galbeed.
Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in ay yihiin isbedel doon, Mooshinka ay ka wadaana Shariif Xasan in ay saxiixeen 91 xildhibaan, iyaga oo tilmaamay maalmo kadib Shariifn Xasan inuu ka mid noqonayo shacabka, oo ay ula jeedaan in ay hoggaanka ka tuuri doonaan.
Waxay kaloo sheegeen in ay gabeen shaqadooda, kadibna waxay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ugu baaqeen inuu xilka isaga dego inta aanan Mooshin xilka looga qaadin.
Dhanka kale xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen inuu u hanjabay Wasiirka Garsoorka Maamulka Koonfur Galbeed Sheekh Xasan Lug-buur, oo ay tilmaameen inuu soo wacay, kadibna uu u sheegay hadii ay joojin waayaan Mooshinka inuu dilo doono.
Hay’adaha ammaanka maamulka Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa ka shaqeeya magaalada Baydhabo ayaa waxa ay noqdeen kuwo shaqsiyaad gaar ah ay wataan oo lagu fushado danaha gaarka ah, maadaama kulamada Maamulka lagu taageerayo magaalada lagu qabto, halka dadka dhaliilsan maamulkana lagula kacayo caburin.
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug.