Sawirro: Degmada Xamarweyne oo ilaalo loo sameeyay Qashinka loo dhaqaajiyo?

Gudoomiye ku xigeenka Amniga ee Degmada Xamar Weyne oo Sheegay Ciidamo gaar ah u sameynayaan kahor tagga gawaarida Qashinka ku shubta kasoo horjeedka Kawaanka Xamar weyne.
Maxamed Axmed Iidoow oo maanta warbaahinta kula hadlaye Degmada Xamar weyne Gaar ahaan kasoo horjeedka Kawaanka Malaayga ee Degmada Xamar weyne xili ay ka socoto howlo lagu qaadayo Qashin lagu shubay ayaa sheegay in ilaalo gaar ah ay u sameynayaan Goobtaasi.
Ciidamadaasi ayuu shaqadoodu sheegay in ay tahay la dagaalanka Gawaari uu sheegay in ay Qashinka kasoo qaado Degmooyin ka baxsan Xamar weyne isla markaana halkaa ku shuba.
Caafimaad ahaan iyo Deegaan ahaan ayuu sheegay in aysan wanaagsaneen Qashinka, sidaa awgeedne waxa uu digniin u diray Wadayaasha iyo Milkiilayaasha Gawaarida Halkaa Qashinka geeya.
Shacabka ayuu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii arrintaan loo dhaqan galin lahaa Maadaama uu sheegayo in faya qabkoodu ay ka shaqeynayaan.
Kasoo horjeedka Kawaanka Kalluunka lagu iibiyo ee Degmada Xamar Weyne waxaa ka socday Mudooyinkaan howlo dib looga qaadayo Qashin lagu shubay halkaa, waxaana Dadka Deegaanka ay sheegeen in ay dhibaato ku qabeen Qashinkaasi.
Xiliyada qaarne waxa ay sheegeen in Dabeesha iyo Hirarka Badda in ay sababaan in Qashinkaasi uu dib usoo bido, mararka qaarne ay dhacdo lagu gubo Goobtaasi, isla markaana ay ka dhashaan Caafimaad Darro.
1 Qashin Xamar Weyne
1 Qashin Xamar Weyne
4 Qashin Xamar Weyne
4 Qashin Xamar Weyne
5 Qashin Xamar Weyne
5 Qashin Xamar Weyne
6 Qashin Xamar Weyne
6 Qashin Xamar Weyne
7 Qashin Xamar Weyne
7 Qashin Xamar Weyne
8 Qashin Xamar Weyne
8 Qashin Xamar Weyne
9 Qashin Xamar Weyne
9 Qashin Xamar Weyne

10 Qashin Xamar Weyne
10 Qashin Xamar Weyne