Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda oo dil iyo dhaawac dad Shacab ah ugu Geystay Sh/Dhexe?

Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa qof dumar ah ku dilay deegaanka Miir-taqwo oo hore loogu yaqiinay Miir-Tuugo waxaana sidoo kale uu dhaawacay qof kale oo dumar ah.
Dilkaan iyo dhaawaca ayaa timid kadib markii uu Askariga damcay in uu kala Celiyo dumar dagaalamayay kadibna ay Weerar ku qaadeyn Askari iyagoo dhaawac u geestay sida ay xaqiijiyeen Laamaha amaanka.
Dadkaan dagaalamayay ayaa la sheegay in Askariga ay ku weerareen Faasas iyo Mindiyo waxaana soo gaaray dhaawac Fudud kadibna waxaa la sheegay in rasaas uu furay ay ku geeriyootay hal qof oo dumar halka mid kalana ay ku dhaawacantay.
Taliye Ku xigeynka Ciidanka Dowladda ee deegaankaan Cabdi Cali Cariif ayaa Warbaahinta u sheegay in ay soo qabteyn Askarigii falkaas ka dambeeyay laguna wareejin doono Hay’adaha Dowladda si loo baaro.
Xaalada qofka dumarka oo dhaawaceeda la keenay Magaalad Muqdisho ayaa la sheegay in ay soo hagaageyso.