Puntland Oo Ka Hadashay Rabshado Shalay Ka Dhacay Boosaaso?

Wasiirka Dekedaha Maamulka Puntland Saciid Maxamed Raage oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbaxiyay dibadbaxyo rabashado watay oo shalay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.
Waxaana uu tilmaamay in rabshadahasi ay ka dambeeyeen qaar ka mid ah Ganacsatada Puntland, islamarkaana ay qarashaad ku bixiyen sidii ay dhibaatadaas uga dhici lahayd Boosaaso.
Sidoo kale Saciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha Puntland ayaa ku ku eedeeyay Ganacsatada in ay diideen in Dekedda Boosaaso ay ku soo xirtaan Doomo sida shixnado kala duwan oo haatan ku sugan Nawaaxiga Dekeddaasi.
Waxaana uu ugu baaqay Ganacsatada in ay joojiyaan dhibaatooyinka ay ka wadaan deegaanada Puntland, kuwaasi oo ka cabanaya Lacago dheeraad ah oo lagu dalacay.
Shalay ayey ahayd markii dibadbaxyo rabshada watay ay ka dhaceen Nawaaxiga Dekedda Boosaaso ee xarunta Ganacsi Puntland, iyadoona 1 Qof uu ku dhintay rabshadahaasi 3 kalena ay ku dhaawacmeen.