In ka badan 50 xildhiban oo baydhabo ku diyariyey mooshin ka dhan ah Shariif Xasan?

Sida ay Soo sheegayaan Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in illaa 50 Xildhibaan ay maanta magaalada Baydhabo ku saxiixeen mooshin ka dhan ah Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed
Xildhibaanada mooshinka ka keenay Madaxweyne Shariif Xasan ayaa ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka maamulkaas iyo kan dowladda Federaalka sida ay hadalka u dhigeen.
Xildhibaanada Koonfur Galbeed ayaa Saacadihii la soo dhaafay ku kala qeybsanaa mooshin xilka looga qaadayo Shariif Xasan sheikh aadan Madaxweynaha maamulka koofur galbeed.
Warar kale ayaa sheegaya in xildhibaanada ay ku kala aragti duwan yihiin mooshinka laga keenay madaxweynaha Maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xaalada dhanka Siyaasada ee magaalada Baydhabo ayaa saakay aad u kacsan,Waxaana Dadka ku nool Magaalada ay hadal hayaan xildhibaanada koofur galbeed oo labo dhinac noqday iyo Mooshin la sheegay in laga keenay madaxweynaha maamulka koofur galbeed,taasi oo saameynta ugu badan ay ku yeelan doono Shacabka ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Koofur galbeed.

https://educatingessays.co.uk/