Ciidamada Dowladda oo Baaritaano ka wada degmada Balcad.

wararka naga soo gaarayo degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha Dhexe ayaa soo sheegayo in saakay Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan inta u dhaxeysa Afgooye iyo Balcad oo Al-shabaab dhowr jeer Miinooyin ku aaseyn.
Mas’uuliyiinta Degmada ayaa sheegay in Howlgalka uu ka socdo deegaanka Daniga oo maalmihii la soo dhaafay Al-shabaab Qaraxyo ku Aaseyn sidoo kalane la sheegay in nawaaxiga deegaankaas ay fariisin ka samesatayn.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka ay lug ku marayaan Wadooyinka Daniga waxayna dadka weydiinayaan xaaladda deegaanka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.
Deegaanka Daniga oo qiyaastii 11KM ujira Balcad ayaa bishaan Gudaheed waxaa ka dhacday Labo qarax Miino oo mid ka mid ah ay ku dhinteyn ragii aasayay halka midka kalane ay ku dhintayn 6 qof oo shacab ahaa.