Warbixin:- Laba Sanno Ka dib Weerarkii Hotel Saxafi Iyo Sida Ay Wax Isku Baddaleen

Maanta oo kale sannadkii 2015-kii, Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay in ay weerar bahalnimo ah ku qaadday Hotelka caanka ah ee Saxafi oo kamid ah hoteellada ugu caansan magaalada Muqdisho.

Siyaasiyiin, aqoonyahano, culimmo, ganacsato iyo dadka kale ayaa ku jiray hoteelka, waxaana ay ahayd aroortii hore ka dib salaadda subax ee xilliga Muqdisho.

Shakhsiyaadkii xilligaas ku jiray waxaa kamid ah Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, AUN Jeneraal Dhaga Badan, Cabdirashiid Nuur Ilqeyte isna allaha u naxariistee oo ahaa milkiilaha hoteelka lasoo weerarray.

Kooxda weerarka soo qaadday ayaa gudaha u gashay Hoteelka waxaana ay ku jireen saacado dhowr ah, waxaana halkaas ku geeriyooday oo lagu dilay teliyihii hore ee ciidanka qalabka sida mudane Dhaga badan oo in badan dagaallamay, sidoo kale milikiilihii Hoteelka ayaa geeriyooday isagoo dagaalamaya.

AUN dadka maalinkaas dhintay waxaa kujiray sawir qaadayaal iyo weriyayaal uu la qarxay gaariga labaad ee lasoo dhigay albaabka laga garo Hoteelka.

Si kastaba ha ahaatee dad badan ayaa ku dhintay xilligaas dhacdadii Hoteel Saxafi, madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay sidoo kale ka qayb galay aaskii qaran ee loo sameyay halyeeyadii maalinkaas ku shahiiday malxamaddii khawaarijta Alshabaab ay kusoo qaadeen Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Shabaab Cali Dheere ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas in ay iyaga lahaayeen, taas oo ka dhigneyd in ay hoteelkaas damacsanaayeen.

Tan iyo xilligaas isbaddal badan ayaa lagu sameeyay istaatiijiyadda dhismaha hoteelka, si kastaba ummadda Soomaaliyeed weligeed ma hilmaami doonto dhacdadaas oo qalbigeenna kama go’i doonto maadaama aan waynay halyeeyo iyo geesiyaal aan jecleyn.

Maalin madoow iyo baroor diiq laba sano guuradii kasoo wareegatay weerarkii dulmiga ahaa ee kooxda Khawaarijta Alshabaab kusoo qaadeen Hoteelka Saxafi ee Muqdisho.