Ma Dhabbaa In Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Uu Laaluushi Doono Warbaahinta? (Xog Muhiim Ah)

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo biiraya saaxadda iibsashada warbaahinta oo ay horey caan ugu ahaayeen xafiiska madaxwaynaha.

Gobolka Benaadir ayaa horey laaluush u siiyay qaar kamid ah warbaahinta ugu waa wayn Soomaalida, waxaana keliya ay baahinayaan waxyaabaha wanaagga ah ee uu ku talaabsado gobolka.

Halka Xafiiska madaxwaynaha, dhowr website oo kamid ah kuwa loogu akhriska badan yahay ayeey la wareegeen oo keliya warkooda lagu qoraa.

Sidoo kale xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa dhowaan doonaya in uu heshiis la galo qaar kamid ah warbaahinta gudaha, waxaana heshiiskan uu yahay sidii hoos loo dhigi lahaa culeyska iyo cadaadiska heysta ra’iisul wasaare Kheyrre.

Ku dhowaad bishii lacag 5kun oo doolar ayaa la filayaa in lagu qarash gareeyo deminta xiisadaha ay warbaahinta horseedi karaan gaar ahaan website-yada ugu afka dheer dalka.

Si kastaba ha ahaatee haddii ay middaas dhacdo waa suuq cusub oo Kheyrre iyo kooxdiisa ay sameysteen, waxaana muhiimaddu tahay in warbaahinta la iska meeleeyo.