Xildhibaan Cosobe oo aamusnaan dheer ka dib ka Hadlay Amni darada Magaalada Muqdisho?

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ay u midoobaan, sidii loo samata bixin lahaa Dalka.
Waxaana uu tilmaamay in shacabku ay yihiin awooda dowladda, loona baahan in ay garab istaagan Laamaha Ammaanka, si looga hortago qaraxyada iyo weerarada ka dhacaya Magaalada Muqdisho .
Sidoo kale Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ammaanka in xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhacaya degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hadalka Xildhibaan Cosobe ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah oo kii ugu dambeeyay ee Hotel Naasa Hablood 2 ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.