Waa Maxay Dhaliisha Ugu Wayn Ee Uu Leeyahay Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Thaabit Cabdi Maxamed?

Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa kamid ah siyaasiyiinta soo koreysa ee Soomaalida, waxaana lagu tilmaamaa in uu yahay shakhsi howl kar ah islamarkaana ku wanaagsan la fal galka bulshada.

Kaalinkii uu ka qaatay dhacdooyinkii is xig xigay ee dalka ka dhacay sida weerarkii bahalnimada kooxda Khawaarijta Alshabaab ay ka fuliyeen isgooyska Zoobbe, dhammaan arrimahaas iyo kuwa kale waxa ay ka dhigtay in uu noqdo guddoomiye Thaabit mid maradiisu ay caddaha islamarkaana sharaftidiisa (Credibility) uu ku dhexlahaa bulshada uu aad u ilaalsaday.

Ha yeeshee dadka qaar ayaa ku maaga guddoomiyaha in uusan ahayn siyaasi ujeeddo cad oo qayaxan leh, islamarkaana aan sameysan gaashaanbuur, taas oo hungo u keeni karta harddanka siyaasadeed ee uu guddoomiyaha hadda gelayo.

Mar walba mas’uulka waxaa qasab ah in uu heesho siyaasad qayaxan, iyo gaashaanbuur la yaqaanno oo dhan walba ah, taas oo ka caawin karta in uu meel wanaagsan ka gaaro siyaasadda, marka loo gudbo habka qof iyo codka ah ee dhawaan Soomaaliya laga hergin doono.

Ma ahan dhaleeceyn ee waa dhaliil ka timid qaar kamid ah dadka aadka ugu dhunduleella arrimaha siyaasadda gobolka iyo midda guud ee dalkaba.

Bilow bartamihii sannadkan ayaa loo magacaabay Thaabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha gobolka Benaadir, waxaana tan iyo markaas uu qabtay howlo aad u badan oo ay kamid yihiin nadaafadda iyo sidoo kale isku duba riddka dhallinyarada gobolka.