Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Qorshaha Dowladda Soomaaliya Ee La Dagaalanka Alshabaab?

Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa cambaarreeyay madaxda iyo shacabka Soomaalida wuxuuna sheegay in la joogo xilligii la iska dhicin lahaa kooxda Shabaab.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aan loo baahneyn in maro casaan (Guduud) ah inta la soo xirto keliya aan tacsiyo u taagnaano.

Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay iskaashi dhammaan Soomaalida ay iska kaashadaan sidii meel looga soo horjeesan lahaa kooxda Shabaab ee khawaarijta ah.

Si kasataba ha ahaatee Axmed Madoobe oo kamid ah ka qayb galayaashii madasha qaran ee dowlad goboleedyada iyo dowladda Soomaaliya uga socday Muqdisho ayaa sheegay in aan loo baahneyn cambaarreyn oo keliya ee loo baahan in gacmaha la isqabsado.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku dhawaaqday dagaal qaran oo lagu soo afjarayo kooxda Khawaarijta Alshabaab kuwaas oo baneystay dhiigga ummadda Soomaaliyeed.