Guddoomiye Jawaari Oo Weerar Kulul Ku Qaaday Micheal Keating Iyo Xeer Ilaalliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa weerar kulul ku qaaday Denjire Mecheal Keating kaas oo horaan soo dhigay bartiisa Twitter-ka sheeko ku aaddan in uu la kulmay xeer ilaalliyaha guud ee qaranka Mr Axmed Cali Daahir.

Isagoo adeegsanaya Twitter ka ayuu kasoo falceliyay guddoomiye Jawaari qoraalkii Keating, wuxuuna weerar ku qaaday shakhsiyadda Xeer ilaalliyaha, oo uu sheegay in uu yahay qof waxba aan ogeyn oo aan sharaf iyo sumcad midna ku dhex lahayn Soomaalida.

Jawaari ayaa sheegay in dastuurka Soomaali uusan ku yaallin wax la yiraahdo xeer ilaalliye, keliya ay tahay sandulle iyo qasab ku keenid, taas marka laga soo tagana, aysan jirin waxqabad muuqda oo uu sameeyay saddexdii sano ee lasoo dhaafay.

.

Sidoo kale wuxuuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay wasiir caddaalad oo xalin kara arrimaha quseeya caddaaladda iyo xeer ilaallinta, baddalka intii la heli lahaa xeer ilaaliye guud.

Si kastaba ha ahaatee xafiiska qaramada midoobe ee Soomaaliya ayaa culeys ku hayaa xukuumadda Soomaaliya, sida ay sheegayaan warar hoose oo aynu helayno, waxaase muhiimaddu tahay in dowladda aysan ka marneyn faragelin shisheeye qaramada midoobe-ba ha ugu horreysee.