Aljazeera Oo Ka Shiftay Qorshaha Rasmiga Ah Ee Weerarkii Hotel Nasa Hablood II Iyo Cidda Lala Damacsanaa

Weiyaha caanka ah ee Aljazeera Maxamed Caddow oo kamid ah suxufiyiinta asal Soomaaliga ah ee ka shaqeeya hillinkaas, islamarkaana aad ugu dhunduleella arrimaha SOomaaliya ayaa sheegay in weerarkii dhawaan ka dhacay Hotelka Naasa Hablood II Muqdisho uu ahaa mid qorsha kale ay ka lahaayeen kooxdii soo qaadday.

Weerarka ayaa dhacay ka hor wakhtigii loogu talagalay oo ahayd daah furka shirka maamul goboleedyada iyo u dhaxeeya dowladda Soomaaliya oo la filayay in maalin ka dib uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Qorshaha u wayn ayaa ahaa in lala eegto shirka oo bilawgiisa la rejeynayay in lagu qabto Hotel Naasa Hablood II maadaama wasiirka amniga Soomaaliya xaaskiisa ay leedahay.

Madaxda Maamul goboleedyada ayaa isku diyaarinayay in ay sii tagaan halka la qorsheeyay, balse Caddoow wuxuu xaqiijiyay in hal mas’uul oo kamid ah kuwa maamul goboleedyada uusan goobta joogin xilliga qaraxa.

Kooxda Kharaawijta Alshabaab ayaa damacsanaa in ay weerarkan la beegsadaan Hoteelka oo waddada saaran, inkastoo waddooyinka ay xirnaayeen haddana wararka aynu heleyno waxa ay sheegayaan kooxaha naftood haligayaasha ahaa ay wateen aqoonsiyo ciidanka nabad sugidda ah, taas oo u sahashay in ay si fudud ku galaan Hoteelka.

Si kastaba ha ahaatee Weriye MAxamed Caddoow ayaa ah qof xogtiisa 100% la aammini karo, maadaama uu yahay weriye sare oo hillinkaas u shaqeynayay muddo aad u fog.

Kooxda Khawaarijta Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii xoogganaa ee Sabtidii ka dhacay Hoteel Naasa Hablood II kaas oo ay ku geeriyoodeen mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad kale oo caan ah oo uu kamid ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed.

Waxa uu ahaa mid dhacay 15-maalin kaddib dhacdadii xasuuqa ahayd ee Zoobbe, oo ay ku geeriyoodeen inkabadan 500-qofood, taas oo aysan jirin cid sheegata mas’uuliyadda weerarkaas ay dadka reyidka ahi ku geeriyoodeen.