FIIRSO: Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo ku booqday bukaanada ku jira isbitaalka Digfeer

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen ayaa maanta booqday isbitaalka Ordegan oo la dhigay qaar ka mid ah bukaanadii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday hotel Naasahablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Cali Cabdulaahi Xuseen(Guudlaawe) Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle  ayaa mid mid u booqday bukaanada dhaawaca qaba isagoo u qeybiyay lacag bukaanada dhaawaca ah.
Bukaanada uu booqday Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa waxaa ka mid ahaa xildhibaan Muxumad Colaad Cabdi oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle kaasoo ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday Hotel Naasahablood2.
Madaxweyne ku xigeenka ayaa u rajeeyay dhammaan bukaanada caafimaada inuu Eebe caafimaad siiyo,waxaana booqashadiisa ku wehelinayay Siihayaha Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabelle.
1 3
1 3

22hh
22hh