Waa Kuwa Qofka Lala Damacsanaa Weerarkii Naasa Hablood II? (Sir Iyo Xog Muhiim Ah)

Gelinkii dambe ee Maalinnimadii Sabtida ayeey ahayd markii ay kooxda Khawaarijta Shabaab sheegteen mas’uulliyadda qarax xooggan oo ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Hotelka Naasa Hablood II ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa dadka siyaasadda siyaabo kala duwan ay u micneeyeen, qaarkood ayaa ku sheegay in uu ahaa mid lala damacsanaa in la beegsado siyaasiyiinta halkaas ku shaaha galab walba, halka kuwa kalana ay aaminsan yihiin in Hotelka laftigiisa uu ahaa bartilmaameedka koobaad.

Milkiilaha Hotel-kan Khadiijo Cosoble waxa ay la dhalatay masharrax madaxwayne Cabduqaaddir Cosoble.

Wasiirka ayaa had iyo goor fadhigiisa ka dhigtay Hotelka, waxaana loo badinayaa in siyaabaha weerarkan uu qayb ka ahaa wasiirka, oo aan Hotel kale fadhiisan; inkastoo uusan shalay kusugneen haddaba inta badan waxaa la aaminsan yahay in ay u ahayd fadhigiisa koobaad ee laga heli karo, maadaama afadiisu leedahay.

Si kastaba ha ahaatee waxaa muhiimaddu ay tahay la sameeyo baaritaan dheer oo kusaabsan qaraxyada soo noqnoqday, haddii la doonayo in la qanciyo shacabkii dhowaan soo banaan baxay ee dowladda ka dhowr sugayay soo gaba gabeynta kooxda Khawaarijta Alshabaab.