Mareykanka iyo QM oo ka hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood 2

War Qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Gelinkii dambe ee Shalay Hotelka Naasa-hablood qeybtiisa Degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho,waxaana lagu sheegay Warka ka soo Baxay Mareykanka in si weyn ay u Cambaareynayaan Qaraxii lagu laayay Dadkii ku sugnaa Hotelka Naasa-hablood2 ee Muqdisho islamarkaana ay tacsida la wadaagayaan Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed intaba.
Dhanka kale War Kooban oo uu Bartiisa Twitter-ka ku qoray Wakiilka QM u jooga Soomaaliya Ambassador Micheal Keating ayuu ku sheegay in Weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Naasa-hablood uu ahaa mid Fuleynimo ah islamarkaana lagu dilay Dad aan waxba galabsan.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii Gelinkii dambe ee Shalay ka dhacay Hotelka Naasa-hablood 2 ee magaalada Muqdisdho.