Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Oo Weerar Kulul Ku Qaaday Laammaha Ammaanka Dowladda

Guddoomiyaha gobolka Benaadir mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa weerar afka ahi ku qaaday laammaha amaanka waxaana uu sheegay in la joogo wakhtigii isla xisaabtanka.

Sidoo kale guddoomiya oo isticmaalaya bartiisa Twitter-ka ayaa soo qoray in aysan suurta gal ahayn laga aammuso qaraxyada soo xoogeysanaya ee magaalada ka dhacaya beryihii lasoo dhaafay, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in dib loo eego arrintaas.

Tan iyo shalay barta Twitterka waxaa ka jirtay xasarrad aad u wayn, maadaama mas’uulliyiin caan ah ay isku weerarreen sida ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya Amb:Micheal Keating iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kuwaas oo isku qabtay arrinta xeer illaaliyaha qaranka.

Si kastaba ku dhawaad 30-qofood ayaa ku geeriyootay tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax xooggan oo ka dhacay Hoteelka Naasa Hablood II ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusugnaayeen siyaasiyiin iyo mas;uuliin heer caalami ah.

Haddaba Hoos ka akhriso qoraallada uu Twitter-kiisa soo dhigay Guddoomiye Thaabit Cabdi Maxamed