Kooxda Alshabaab ayaa weerar naftii halignimo ah ka geystay hoteelka caanka ah ee Naasa Hablood II ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kusugnaayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
shakhsiyaad uu kamid yahay AUN Madoobe Nuunoow Maxamed Iyo Ex-Xildhibaan Gaarane ayaa ku geeriyooday, balse qaar kamid ah dadkii ka badbaaday qarixii shalay ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishowaxaana ay dowladda ka codsadeen in ay la xisaabtan sameeyaan.
Dadka goobtaas kasoo badbaaday waxaa kamid ahaa wadaadka caanka ah ee Sheekh Cali Wajiiz oo kamid ah culimmada Soomaaliya, wuxuuna goobta ka sheegay in loo baahan yahay in la helo cidda ka dambeysay weerarkaas iyo ciddii fududeysay.
Si kastaba ha ahaatee shirkan jaraa’id wuxuu kusoo aadayaa xilli golaha wasiirrada Soomaaliya ay xilka qaadis kusameeyeen taliyihii ciidanka Booliska cabdixakiin Siciid Saacid iyo taliyihii nabad sugidda qaranka Sanbalooshe, kuwaas oo ku dhacay howshoodii sida ay aamminsan yihiin khubarrada.
