Ciidanka Ammaanka Iyo Maxaa Kala Qabsaday Weriyayaashii Usoo Shaqo Tegay Villa Somalia

Ciidammada ammaanka gaar ahaan ilaallada ra’iisul wasaaraha ayaa handadaad iyo shaqo ka hor istaag u geystay qaar kamid ah weriyayaasha SOomaaliyeed ee ka howl gala warbaahinta maxalliga ah intii uu socday shir xilka looga qaadayay taliyayaasha nabad sugidda iyo kan booliska.

Weriyayaasha ayaa lagu amray in ay dib uga dagaan goobta ay munaasabadda ka dhaceysay oo markii horeba loogu yeeray, balse ciidanka ilaallada ee albaabka ayaa u diiday in ay gudbaan, taas oo caqabad ku noqotay shaqadooda.

Waxaa lagu amray in aysan waxba duubi karin, sidoo kale qaar ayeey ciidanku ka qaadeen Kaammiradihii ay wax ku duubayeen halka kuwa kalena jirdil ay la kulmeen.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada amaanka ayaa marar badan is hortaaga weriyayaasha waxaana ay taas ka baxsan xurriyadda warbaahinta, mana jirto cid ka hadasha arrintaas.

Golaha wasirrada ayaa maanta xilka ka qaaday taliyaha Nabad sugidda qaranka Sanbalooshe iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdixakiin Siciid Saacid kuwaas oo ku fashilmay waxkaqabashada howshii loo igmaday.