Akhriso:-Shirka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo Muqdisho Ka Furmaya

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya waxaa maanta ka furmaya Shirka u dhaxeeya Madaxda dowladda Soomaliya iyo kuwa maamulka Goboleedyadda dalka jira oo dhawaan uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaliya.
Shirkaan waxaa shir gudoomin doona madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, waxaana ka qeybgalaya raisulwasaaraha xukuumadda Soomaliya, gudoomiyayaasha golaha shacabka, iyo aqalka Sare, madaxweynayaasha maamul goboleedyadda Koonfur Galbeed Soomaliya, Galmudug, Hir-shabeelle, Jubba-land, iyo Puntland.
Shirkaan ayaa shalay lagu waday in uu ka furmo magaalada Muqdisho, balse dib ayaa loo dhigay sababo la xiriira qaar kamid ah Madaxweyanyaasha Maamul goboleedyadda dalka oo aan soo gaarin magaaladda Muqdisho.
Qodobada shirkaan diirada lagu saari doono waxaa kamid ah khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyadda iyo dowladda dhexe ee Soomaliya, iyo sidii loo xalin lahaa.
Sidoo kale waxaa shirka diirada lagu saari doonaa sidii dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda ugu wada hadli lahaayeen gulufka dagaalka ee dhawaan lagu qaadi doono dagaalyahanada xarakada Al-shabaab.