XASAASI:- Dhallinyaro Xamaasadeysan Oo Weerarray Guriga Musharrax Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha kumeel gaar xisbiga Waddan ee maamulka Soomaaliland ayaa BBC-da u sheegay in xalay lasoo weerarray guriga musharraxa xisbiga mucaaradka ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro kaas oo kamid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliland.

Sida uu u sheegay idaacadda BBC-da koox dhallinyaro u badan ayaa dhagxaan ku weerarray ciidanka ilaallada guriga uu ka daggan yahay magaalada Hargeysa Musharrax Cabdiraxmaan Cirro, kaas oo la sheegay in uu ku dhaawacmay askari kamid ah ilaallada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliland oo isla la hadlayay BBC-da ayaa sheegay in ay dhowr dhallinyaro u qabteen falkaas, ayna gacan bir ah ku dhigi doonaa cid walba oo lagu tuhmo qalad iyo xad dhaaf, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Sidoo kale Jeneraal Cabdullahi Faadil Iimaan ayaa ugu baaqay xisbiyada loollamaya in ay la hadlaan taageerayaashooda una sheegaan in aysan sharciga ku xad gudbin.

Bartamaha bisha soo aaddan ayaa la filayaa in guud ahaan deegaannada Soomaaliland loo dureerro goobaha cod bixinta, waxaana ku tartamaya, saddexda xisbi ee ugu sarreysa maamulkaas ee kala Kulmiye oo u sharaxan Muuse Biixi Yoonis, UCID oo ah Eng;- Feysal Cali Waraabe iyo xisbiga ugu shacbiyadda badan Soomaaliland ee Waddani kaas oo sannadkan uu murashax u yahay mudane Cabdiraxmaan Cirro.