UPDATE:- Qarax Labaad Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu ahaa sida aan wararka hordhaca ah ku helayno mid isqarxin ah oo lala beegsaday hotelka Naasa Hablood ee magaaalada Muqdisho.

Dhowr daqiiqo kaddib waxaa laga maqlay goobta qaraxa dhawaaqa qarax labaad oo isna isqarxin ah kaas oo lala beegsaday dadkii goobta u yimid gargaarka iyi weriyayaashii usoo war doontay goobta.

Si kastaba ha ahaatee wararka waxa ay sheegayaan in goobta ay kusugnaayeen masuulliyiin waa wayn oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka gurmadka deg degga ah ayaa weli wata howshooda, waxaana ku guda jiraan daabbulidda dadkii ku waxyeeloobay dhacdadaas.

Waa markii ugu horreysay oo magaalada Muqdisho uu ka dhaco qarax, tan iyi 14-kii bishan October.