Shirka Dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda oo Muqdisho ka furmaya

Waxaa lagu waddaa Magaalada Muqdisho in uu maanta ka furmo Shirka Madaxda maamul goboleedyadda iyo sidoo kale dowladda Soomaaliya.
Shirkaan ayaa horay waxaa u shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed.
Maanta ayaa lagu waddaa in Muqdisho ay soo gaaraan madaxda maamulada Jubbaland, Galmudug iyo Puntland.
Waxaa sidoo kale Magaalada Muqdisho soo gaaray shalay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Shirkaan ayaa waxaa si weyn diiradda loogu saari doonaa Khilaafka ka dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyadda.
Wixii kusoo kordha kala soco Halkaan Insha,allah