Muxuu ku saabsan yahay fadhiga maanta ee Golaha shacabka?

Kulanka Golaha shacabka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho iyada oo XIldhibaannada ay gaartay farriinta ajendaha maanta uu leeyahay baarlamaanka.
Kulanka maanta ee Golaha shacabka ayaa ku saabsan aqrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka dhismaha Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa.
Sidoo kale waxaa jira ajendayaal kale oo ay Golaha shacabka maanta ka doodi doonaan,Golaha shacabka ayaa kulamadooda waayadii dambe waxaa hareeyay kiiskii Qalbi-dhagax,iyada oo inta badan kulamadan dib loo dhigayay.
Dad badan ayaa u dheg taagaya waxa ay Baarlamaanka kula soo noqon doonaan 15Xubnood oo ka mid ah Golaha shacabka islamarkaana loo xilsaaray in ay dhameeyaan kiiska Qalbi-dhagax oo ay natiijo ka soo saaraan baaritaankooda.
Golaha shacabka ayaa 11kii Bishan muddo bil ah ugu daray Guddigaas iyada oo aan war laga soo saarin waqtigii hore ee la siiyay.
Fadhiga maanta waxaa uu ku soo beegmayaa iyada oo Magaalada Muqdisho la filayo in uu ka furmo shir u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada,kaaas oo diiradda lagu saarayo khilaafka labada dhinac ee ka dhashay khilaafka Khaliijka Carabta.