Maxkamad xukun ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo ku biiray Al-Shabaab?

Maxkamad ku taalla magaaladda Frankfurt ee dalka Jarmalka waxa ay danbi ku heshay labo muwaadin oo dalkaasi udhashay oo ku biiray kooxo Islaamiyiin ah.
Maxkamadda ayaa qofka koowaad oo lagu magacaabo Abshir waxa ay ku xukuntay labo sano iyo toban bilood xabsi ah,kadib markii uu ku biiray ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.
Halka sidoo kale ay maxkamadu xukun ku riday Ozkan,kaasi oo ay maxkamadda ay ku xukuntay labo sanno iyo sideed bilood oo xabsi ah ka dib markii lagu eedeeyay in uu xubin ka yahay kooxda Junud al-Sham oo koox sunni ah oo ka dagaalanta gudaha dalka Suuriya.
Abshir ayaa ku dhashay magaaladda Muqdisho,balse waxa uu kusoo koray gobolka Hesse ee dalka Jarmalka,isagoona Ururka Al-Shabaab kasoo bar bar dagaalamay sida la sheegay intii u dhaxaysay sanadihii 2012 ilaa 2014kii.
29 jirkaan ayaa dhamaystay sida la sheegay afar bil oo tababar ah intii uusan ku biirin Al-Shabaab.
Abshir ayaa waxaa xiray booliska dalka Jarmalka xilli uu ducumiintiyo been abuur ah uga dhoofi rabay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Frankfurt bishii July sanadkii 2016kii.
Halka Ozkan uu isna ku dhashay dalka Turkiga,balse ku koray dalka Jarmalka.
Waxaana la sheegay in Ozkan uu xaaskiisa Kula biiray Kooxda Junud al-Sham sanadkii 2013kii.
Balse waxa uu dalka Jarmalka dib ugu soo noqday dhamaadkii isla sanadkii 2013-kii,isagoona qorshaynaayay in uu dalka Jarmalka ka sameeyo urur Islaami ah,balse waxaa sanadkii 2016-kii gacanta kusoo dhigay ciidamada booliska dalka Jarmalka.
Maxkamadaha dalka Jarmalka ayaa xukuno kala duwan waxa ay ku rideen dhowr sanno muwaadiniin udhashay dalkaasi oo ku biiri rabay kooxo Islaamiyiin ah.
Sanadkii 2016-kii shan nin ayeey maxkamad ku taal dalka Jarmalka xukun ku riday,ka dib markii ay ku biiri rabeen ururka Al-Shabaab.
Sidoo kale waxa ay xukun ku riday seddex nin kale oo iyaga ku biiri rabay kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalamo gudaha dalka Suuriya.