Magacyada Siyaasiyiinta Ilaa iyo Hadda La Xaqiijiyay In Ay Ku Geeriyoodeen Weerarka Naasa Hablood

Weli kooxo hubeysan ayaa ka dhex dagaalamaya gudaha Hotelka caanka ah ee Naasa Hablood II kaas oo ay galabta soo weerarreen kooxda Alshabaab.

Qarax ay masulliyaddiisu sheegteen kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab ayaa ka dhacay albaabka hore ee Hotelka Naasa Hablood II kaas oo ku yaalla agagaarka Meymankii hore ee Xamar wayne.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada Ex-Xildhibaan Cabdinasir Gaaranne iyo taliyihii ciidanka booliska degmada Deyniille Marxuum Fanax oo hore usoo noqday taliyihii ciidanka Booliska degmada Yaaqshid ee gobolka Benaadir, kuwaas oo kusugnaa Hotelka uu qaraxa ka dhacay.

Weli sida ay sheegayaan wararka waxaa socda Bambaanooyin lagu garaacayo gudaha Hotelka, waxaana la sheegayaa in weli kooxdii soo weerartay ay gudaha Hoteelka heystaan.

Wixii warar ah halkan kala soco.