FIIRSO SAWIRRADDA: Qaraxii ka dhacay Hoteel Naasa hablood 2 iyo dab ka dhex dagalamaya

Dabley hubeysan ayaa la sheegay inay ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka Naasahablood oo galabta lagu qaaday weerar is qarxin ah, kaasoo ay ku dhintay dad gaaraya toban ruux.

Rasaas iyo bambooyin ayaa laga maqlayaa gudaha hotelka, waxaana warar qaar sheegayaan in dableyda hubeysan ay ku hubeysan yihiin qoryaha fudud oo ka soo ridaya gudaha Hotelka.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya in illaa labo maleeshiyo ay gudaha Hotelka ku jiraan, isla markaana uu socdo howl gal lagu soo afjarayo weerarka.

Halkaan Hoos ka daawo sawirradda Qaraxii Galabta ka dhacay Iridda Hoteelka Naasa Hablood2.
1 36
1 36
2 27
2 27
3 26
3 26
4 16
4 16
5 8
5 8

6 3
6 3