Fadeexad “Ka Taagan Radio Muqdisho Iyo Musharax Somaliland oo iidheh loogu Sameeyay?

Wabseedka Radio Muqdisho’ oo bilaabay Baahinta Xayaaysiinta ololaha’ doorasho ee mid ka mid ah’ Musharaxiinta Maamulka gooni isku taaga Somaliland ee- sheegtay in aay tahay Dowlad ka madax banaan Somalia’ taaso dad badan ka yaabisay.
Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo u Taagan qabashada Xilka Madaxweyne ee Jamhuuriyadda iskeed isku magacaawday ‘ ayaa lagu arkay Warbaahinta Qaranka oo iidheh loogu sameeynayo, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Fedaralka Somalia’ ayaa sheegay in arintaasi tahay mid dhaawacaysa Midnimada iyo qaranimada Soomaliya.
Dhanka kale qubaro dhanka Saxaaafada’ ayaa sheegay in Xayaaysiinta la saaray Radio Muqdisho , aay tahay mid Shirkada Google aay baxiso’ taaso sahlaysa in xitaa la saari karo Radio Muqdisho warbaxinada ka dhanka ah Dowladda Fedaraalka.
Warbaahinta Qaranka oo ah, halka laga dheehdo,wararka Dowladda ,ayaa hada sahlaysa’ in kooxaha Dowladda Fedaraalka’ ka soo horjeeda in -aay ku baahin karaan afkaarahoda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Fedaraalka’ Somalia Cabdi Raxman Cumar Cismaan’ oo aan xariir la sameeynay ayaa ka jawaabi waayay, Telefoonkiisa lamana ogo in uu arintaan wax ka og yahay iyo in kale.
Halkaan hoose ka arag Radio Muqdisho oo idheh u sameeynaya Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro

Qa
Qa