DEG DEG:-Qarax Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Muqdisho

Warar hadda naga soo gaaraya magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in qarax xooggan oo magaaalada oo idil laga maqlay uu ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Villa Somaalia.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka xabsiga wayn ee Godka Jillacoow.

Dhawaaqa gadiidka Ambalaasta ayaa durba la maqlayaa waxaana jira khasaaro sida ay sheegayaan warar hordhac ah oo aynu heleyno.

  1. Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkalasoo socodsiin doonnaa haddii uu rabbi idmo.