DEG DEG:-Alshabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Weerarkii Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Weerar galabta lagu qaaday hotel Naasa Hablood, waxayna sheegeen inay Gudaha u galeen Hotelka walina ay ka dhex dagaalamayaan.

Ilaa hada waxaa dagaal ka Dhex socdaa Hotel Naasa Hablood oo dhexdiisa ku dhex dagaalamayaan maleeshiyaadka Al_Shabaab iyo Ciidamada Dowlada.

khasaaraha hordhaca ah ee weerar kaas ugu yaraan waa dhowr iyo toban qof, halaka dhaawacuna uu gaadhayo 20 qof, khasaaruhu intaa wuu kabadan karaa madaama ilaa hada dagaal ka dhex socdo Hotelka, dad shacab ahna ay ku jiraan Hotelka gudihiisa.

La Soco Wixii Ku Soo Kordha