Dad Ku Sumoobay Raashiin Ay Cuneen

Wararka laga helayo degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan waxey sheegayaan in deegaan dhaca duleedka degmadaasi ay ku sumoobeen qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi.

Ilaa iyo Shan ruux oo isku qoys ah kana mid ah dadka deegaanka Kalgubadle oo ah deegaan qayaastii 16-KM dhanka Galbeed kaga beegan dagmada Buulo-burte ayaa ku sumoobay Bur ay cuneen.

Dadkan oo ka kooban Shan ruux islamarkaana ah Aabo iyo Afar Caruur ah uu dhalay ayaa ku sumoobay Burka ay cuneen waxaana ugu dambeyntii Suntaasi u geeriyooday caruurta canugii ugu da,ada yaraa kaasi oo da,diise ay tahay Shan Jir.

Inta badan dadka reer miiga ee isugu jira xoola dhaqatada iyo Beeraleyda ayaa kala fogeen ama kala ilaalin Raashiinka ay cunaan ama Weelasha raashiinka lagu cuno iyo Sunta ay ku dhayaan Xoolaha ama midda ay Beeraha ku buufiyaan ama midda ay u dhigaan kuna dilaan Dhurwaaga xoolaha laaya.