Caruur Ku Dhacday Biyo Dageen Ku Yaalla Degmada Xamar Jajab?

Sida  Warbaahinta  u xaqiijiyeen dad deegaanka ah  Caruur Yar Yar ayaa ku dhacay Biyo Galeen ku yaalla Buurta Afisyooni ee degmada Xamar Jajab.
Illaa 2 caruur ah ayaa la sheegay in illaa iyo iminka la la’yahay, arrintaan ayaana ka dambeysay kadib markii meeshaas biyo galeenka ah  dhawaan Ciid laga, gurtay taas oo sababtay in goobtaas Biyo Galeen isku bedasho .
Wararka ayaa intaas ku daraya in haatan ay socdaan dadaallo Biyaha halkaas looga  bixinayo si Raq iyo Ruux loogu helo Caruurtaasi lala’yahay.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeyne Danbe Insha,allah