BF Somalia Oo Loogu Baaqay In Ay La Xiisaabtamaan AMISOM?

Ex xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ahaa Baarlamaankii  9 aad ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinka ay ciidamada AMISOM ku hayaan shacabka Soomaaliyed meel walbo oo ay kaga sugan yihiin Dalka.
Waxaana uu sheegay in AMISOM ay horey u cadeysatay in marka la soo weeraro ay xasuuq u geysanayaan dadka shacabka ah, islamarkaana aaney u Aaba yeeleen Caruur, Haween iyo dad da’ ah intaba.
Sidoo kale xildhibaan hore Cabdi Barre Yuusuf ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan dhibaatooyinka guracan oo ay geysanayaan ciidanka AMISOM.
Waxaana uu ugu baaqay xildhibaanada Baarlamanka in ay Taliska AMISOM kala xisaabtamaan dhibaatooyinka had iyo jeer ay u geystaan dadka shacabka ee aan wax galabsan.
Maalin ka hor ayey ahayd markii kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM ay dad shacab ahaa ku dileen deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeelaha Hoos, kadib markii ay weerar ku soo qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab.