Sucuudiyow: Jinni qofkii keenaa baxsha!

Sucuudiyow: Jinni qofkii keenaa baxsha!

Gacanka Carbeeed guud ahaan, gaar ahaan Sucuudiga, waxaa ka soo socota ABSHIR. Waxaa ka soo ibafurmaya feker iyo curis cusub, oo loollan adag dhalin doona.

Waxaa ka soo ifbixi raba aragti diineed ugub ku ah sooyaalkooda dhaqan diimeed, oo lahaan doona samayntiisa.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga, Boqor Maxamad bin Salamaan, oo ka hadlaya madal lagu soo banbdigayey aragti dawladeedka 2030 ayuu sheegay, in ay u laabanayaan ISLAAMKII DHEXAADKA (DHEXDHEXAADKA) ahaa. Alla farxad weynaa.

In kasta oo mar walba aan la aamini karin aragti diimeed siyaasad ku daaban, oo si kasta hab gurracan u la falgasha dhabta, haddana, ISBADDALKA laga filayo bariga Carbeed waa soo dhaweyn.

Dareenka baqdin, ee adeegsiga diimeed waxaa dhalinaya, in ISBADDALKA xooggiisa ay dhalinayso dawladdu, ee uusan hoos iyo bulshada aqoonteeda ka dhexcuran, haddana, la’aan ayuu dhaamaa.

Waxaan filayaa minbarrada SHARTA, ee meelo badan, oo dunida dacalladeeda ah, in albaabbada loo laabo, Soomaaliyana ay ku jirto.

Wax badan ayaan qayb ka ahaa hormuudkii in ay ka dayriyeen ka sokow ka digay sunta carabta iyo saamaynta dhaqan iyo nololeed ee ay nagu yeelatay, haddana, haddiiba qoladii sunta soo safrin jirtay ayba iskood uga saahideen anaga gacan weyn ayey noo noqon.

Wadaaddadii dhawaangalka ahaa iyo diintoodii cusbeed labaduba hadda wixii ka dambeeya waa garab iyo gabbaad la’aan, ka muhimsane waaba GUNNO la’aan!

Marar badan ayaan iri, in WAHAABIYADDU ku faafto dalka waxaa u sabab ah saboolnimada baahsan iyo fawdada jaantaa rogantaa. Hadda iyadoo weli labadii jiraan, ayeyba dhan kale ka fududaan. Jinni qofkii keenaa baxsha!

Ku dhawaad qarni ayey Sucuudigu dhaqaale badan ku bixiyeen, sidii bulshooyin badan oo Muslin ah loo marin habaabin lahaa.

Keliya ma ahane, sidii jiritaankooda loo tirtiri lahaa ama loo doorin lahaa dhaqankooda nololeed, iyada oo ay ku fiirsanayaan mararna garbaba u ahaayeen reer galbeedka ilbaxnimada ku faana. Markay tooda iyo meeshooda joogto waa la ma taabtaan, markase ay meelo kale tahay welibana ay dan gaar ahaaeed ama gurracan ka leeyihiin ku ma sii jirto. Ii ma ka ka roona!

Hadda abshirtu waxay tahay, in wadaaddo badan oo garar hamasha leh, in shaqo la’aan ay ku dhecee ka sokow, aysanba awood u yeelayn doonin, in ay faafiyaan SUN CARBEED! Sunta qoladii leheed ayaa sayrisay!

Wadaaddo badan oo isu haystay WAKIILLADA EEBBE, waxaa ka dhici doonta ruqsadda wakiilnimada, oo waxaa ka la noqonaya raggii ewelba ka dhigay ama ku dhahay WAKIIL EEBBE ayaad tihiin!

Marka, si aysan facsharo iyo fadeexo ugu dhicin, waxaa ku habboon, in ay dhexda ka galaan ISBADDALKA soo socda ama is ku dayaan, in ay la jaanqaadaan, haddii kale, dhawaan tuke cambaar leh iyo waxay noqon FONGOR ka takooran bulshada.

Anaga Soomaali ahaan macno weyn ayey noo samaynayaa, amminka ISBADDALKU ku soo beegmayo, oo waa xilli maamullo, dawlad iyo amni wax u eg la haysto, haba jilicsanaadeen, gaar ahaan bartamaha iyo koofurta dhexe iyo fog.

Nolosha maamul, aqoon, amni, ganacsi, hormar iyo dhisme ee dib uga billaabatay dalka, soo noolaashaha fanka, ciyaarihii hidddaha iyo dhaqanka, dib ugu laabashada dalka iyo maalgashiga guud, dhammaan waxay astaan u noqon karaan, in dabaysha ka dhabanaysa gacanka Carbeed aan uga faa’iidaysanno dhanka kor u qaadidda kaabayaasha nolosha, sii xoojinta wadanoolshaha, dhawridda ka la duwanaashaha iyo maamul wadaagga.

Intuba waxay ku hirgeli karaan, marka la helo aragti siyaasadeed oo sal leh, aqoonyahanno bulsho, baarayaal aqoon, xeeldheerayaal dhaqan iyo maskaxmaallo maan furan ku aqooliya inta naga qusaysa ISBADDALKAA iyo danta noogu jirta.

Qore: Bashiir M. Xersi