Burundi oo maanta ka baxaysa maxkamada ICC

Burundi ayaa noqtay dalkii ugu horreeyay ee ka baxa maxkamadda qaadda dembiyada caalamiga ah ee ICC.
Dowladda dalkaasi ayaa QM ogeysiisay sanad ka hor, balse ka bixitaankeeda ayaa lagu wadaa in uu maanta taabagal noqdo.
Ka bixitaanka Burundi ee xubinimada maxkamada ICC ayaa ku soo beegmaysa xilli la sheegay in ay dalkaasi ka dhaceen tacaddiyo.
Waxaa jiray cabashooyin iyo warar sheegaya in markii uu maamulka talada haya uu xilka qabtay ay dhinteen boqollaal qof, halka kumannaan kalena ay dalka ka qaxeen.
Maxkamadda caalamiga ah ee ICC ayaa horraan bilowday ka baaraan degidda haddii maxkamaddu ay baaritaan ku sameyneyso qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay markii uu madaxweyne Pierre Nkurunziza uu la wareegay talada dalkaasi – xilli dastuurka dalkaasi uu dhigayo in labo mar keliya uu xilka qaban karo.
Maxkamadda ayaa weli qaadi karta kiisaska tacaddiyada ka dhacay Burundi muddadii uu dalkaasi xubinta ka ahaa maxkamadda.
Balse ka bixitaanka Brundi ayaa ka dhigan in maxkamaddu aysan qaadi Karin haddii ay dembiyo mustaqbalka dalkaasi ka dhacaan.
Tan ayaa tusaale u noqon karta hoggaamiyeyaasha kale in ay u arkaan ka bixitaanka ICC ay tahay hab looga baxsan karo dembiyada ka dhacay dalalkooda.