Ahlusuna;-‘ Al-shabaab waxey Bilabeen Afduubka Caruurta ?

Madaxweyne ku Xigeen Maamulka Ahalasuna Cali Baashi oo la hadlay Warbaahinta  ayaa Sheegay in Dadka Bariga Gobalka Galgaduud ay Bilaabeen inay u Barakacaan Magaalada Dhuusa-mareeb ka dib markii Al-shabaab ay Bilaabeen Afduubka Caruurta Da’da yar oo uu xusay inay u Tababaraan Askar Dagaal si ay iskaga Difaacaan Duulaanka Dagaalka ay ku Dhawaaqday Dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne ku Xigeenka Ahalusuna oo sii hadlayay ayaa Sheegay in Maamulka Gobalada Dhexe uu la Tacaalayo sidii loo Caawin lahaa Dadka ka soo Barakacay Deegaanada Al-shabaab, Gobaladaasi ay uga Sugan yihiin.
Warbixino ay Dhowr Jeer Soo Saareen Baarayaal Caalami ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa Al-shabaab iyo Dowladda Soomaaliya ku Eedeeyey inay Askareeyaan Caruurta Da’da yare e aan Wali qaan gaarin