Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada DF Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Degmada Dayniile?

Ciidamo uu hoggaaminayay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliyeed, oo Magaciisa lagu sheegay ina Macallin Seytuun kana tirsan Guutada 4aad ee  Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in Dad Shacab ah ay ku Rasaaseeyeen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Nabadoon Cadow Beereey oo ka mid ah waxgaradka meesha wax ka dhaceen oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shalay gabal dhicii Xerada 77 oo ku taalla degmada Dayniile ay soo weerareen Ciidamo uu horkacayo Sarkaal uu ku sheegay Magaciisa ina Macallin Seytuun kana yimid degmada Afgooye ee Gobalka Shabeellaha Hoose, ay Rasaas  isweeydaarsadeen Ciidamo Madani ah oo dadka deegaanku sameysteen.
Waxaa,uuna Nabadoonku uu intaas ku daray in Ciidamada Ina Macallin Seytuun ay halkaas ku dileen illaa 3 qof oo Rayid ahaa isagoo ugu baaqay Masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya, in tallaabo ku haboon ay ka qaado Sarkaalkaas iyo Ciidamadiisa ee shacabka soo weeraray sida uu hadalka u dhigay.
Nabadoonku ma sheegin u jeedadda Ciidamada Ina Macallin Seytuun ay ka leeyihiin weerarka uu sheegay in ay ku soo qaadeen degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.
Ma jiro wax war ah oo Maamulka iyo Saraakiisha Ammaanka degmada Dayniile ay ka soo saareen falkaas  balse  waxaa, faraha ka sii baxaayo amaanka Magaalada Muqdisho oo saacadahii ugu danbeeyay dilal kala duwan u ka dhacay.